Sélection du message

10 Siyaabood Oo Looga Hortagi Karo Sixirka, Isha iyo Xaasidka !

Wuxuu ku sheegay Ibnu Qayyim kitaabkiisa Badaaic alfawaaid Toban arrimood Oo Lagaga Hortagi Karo Sixirka Isha iyo Xaasidiinta Ilaahay ...

lundi 17 février 2020

Herbal Clinique

Faa'idooyinka Caafimaad ee Geedka Baamiyaha?



Maanta qoraalkeenu waa geedka loo yaqaano "Baamiyaha", Luqadda english-kane lagu dhaho "Okra", Badanaa suugada ayaa lagu kariyaa, sidiisane waa loo uumiyaa oo waa la cunaa, wuxuuna leeyahay dhareer jiidjiidmayo, wuxuuna ka mid yahay geedo daaweedyada cilmibaarista lagu sameeyay, wuxuuna leeyahay faa'idooyinkaan soo socdo:

Sokorta / Macaanka: Baamiyuhu wuxuu ugu horeeyaa geedaha lagu daaweeyo xanuunka macaanka, cilmibaarayaal tiro badan ayaa geedkaan xoogga saaray si ay uga salgaaraan qaabka uu macaanka ula dagaallamo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay mustaqbalka rajayn doonaan in baamiyuhu gali doono booska daawada kaniinnada sokorta loo qaato, waxayna ku sameeyeen diraasado aad u badan oo ku saabsan arrintaas, waxaana la arkay inuu baamiyuhu jirka ku caawiyo kontaroolidda sokorta, waxayna cilmibaarayaashu ku hanwayn yihiin inuu daawo mustaqbalka laga samayn doono taasoo macaanka lagu xakameeyo, waxaana lagula taliyaa dadka sokorta qabo inay joogteeyaan cunista baamiyaha.

Kolestaroolka: Baamiyuhu wuxuu kaloo yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano "Kolestaroolka" iyo xayrta fadhiisato jirka qeybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadane loo yaqaano "Triglyceride", waana arrin cilmibaaris lagu arkay.

Dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, caloosha wuu jilciyaa, mindhicirradane wuxuu ku caawiyaa qashinsaarka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.
Xididada xannibmo: Baamiyaha waxaa ka buuxo fitamiin C, kan oo ka hortago inuu dhaawac gaaro unguyada jirka khaasatan xididada.

Lafo-xanuunka iyo Riixa:Waxaa la aaminsanaan jiray in baamiyaha uusan xiriir la lahayn xanuunada kalagoysyada ku dhaco markii la baaray kadib, laakiin waxaa la ogaaday in markii la uumiyo baamiyaha inay dhasho maado loo yaqaano "Silicate" oo u roon kalagoysyo xanuunka.
Aragga: Baamiyaha wuxuu kaloo u roonayahay aragga iyo caafimaadka maqaarka sababtuna waa Vitamin A oo ka buuxo iyo awooda "Antioxidant" oo ah sunsaaraha oo sarreysa.


Caafimaadk Uurka:Hooyooyinka uurka leh waxaa loo qoraa daawo la dhaho Folate ama Folic Acid, tan oo caawiso korriimada uurjiifka, kana hortagto inuu ku dhasho iin haddii maadadaan ay jirka ku yaraato, sidaas awgeed Baamiyaah waxaa ka buuxo maadada "Folate", waxaana lagula taliyaa hooyooyinka uurka leh inay badsadaan Baamiyaha si ay uga helaan fitamiinno ku filan korriinka uurjiifka.

Dhiig-karKa: Baamiyaha waxaa ku jira maaddo loo yaqaano "Oleic acid" oo hoos u dhigta cadaadiska dhiigga, maadadaan waxaa kaloo laga helaa saliidda saytuunka.
Caabuqa dhuunta iyo sambabada:Baamiyaha wuxuu kaloo daawo u yahay xanuunda ku dhaca dhuutan sida quumanka iyo infekshanka sambabaka ku dhaco sida qabowga iyo oofwareenka.

Sidee loo isticmaalaa Baamiyaha markii daawo ahaan loo qaadanayo?

Markii la wareestay dadka ku daawoobay, waxay sheegeen in qaabkaan ay u isticmaaleen, dhowr meel oo lagu xusayo in qaabkaan loo adeegsadane waan arkay, waana sidatan:

5 xabo oo baamiyo ah, ka goy afka hore iyo afka dambe, kadib u jar qaab dheerdheer, kadib ku rid biyo kulul oo ku kari muddo 5 daqiiqo ah,kadibna la dhig isla digsigaas ama saxankaas habeenkii oo idil, subaxii markaa soo toostid, cab biyahaas baamiyuhu ku milmay, kadibna isaga cun, ugu yaraan waa in aad sidaa samayso 10 maalmood, si aad wax iskaga garato. dad badan oo sidaan sameeyay waxay sheegeen in sokorta ko kontarooleen, xanuuanda lafaha iyo kalagoysyadane inay kaga caafimaadeen.

Waxaa la sheegaa in baamiyuhu uu leeyahay faa'idooyin intaa ka badan, laakiin kuwa aan kor ku soo xusay waa faa'idooyin la isku waafaqay, laguna arkay cilmibaarisyo dhowr ah.



Inkastoo soomaalidu badanaa u aaminsanayd in baamiyuhu u fiican yahay kalagoysyada, laakiin cilmibaaristaan waa mid cusub oo awal laguma waafaqsanayn soomaalida iyo hindida oo ku daawayn jiray Tufta, Riixa iyo Lafo-xanuunka.


Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

dimanche 16 février 2020

Isha xasadka sixirka iyo jinka

Wa barnaamij dhan si isaga takhalusi lahayd sixirka isha xasadka iyo jinkaba wax kayar toddobaad.




 Waano

Waa in la xaqiijiyaa oo la dhabeeyaa tawxiidka Ilaahay, lagana dheeraadaa shirkiga ama wax la wadaajinta Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) cibaadadiisa, taas markii la helo wuxuu helayaa qofku amni iyo xasilooni.

Ha u daymo la’aan arrimahaan:

1. Inaad rumaysid Qadarka Ilaahay khayrkiisa iyo sharkiisa, taas oo ah tiir kamida tiirarka Iimaanka ee lixda ah. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[لا يؤمن عبدٌ حتى يؤمن بالقدر خيره وشرّه، حتى يعلم أنّ ما أصابه لم يكن ليخطئه، وأنّ ما أخطئه لم يكن ليصيبه.] أخرجه الترمذي في كتاب القدر

“Ma rumayn addoon illaa uu ka rumeeyo Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba, illaa uu ka ogaado waxa asiibay inuusan ahayn wax gafi lahaa, waxa seegayna in uu ahaa wax aan marna ku dhici lahayn.” Waxaa soo saaray xadiiskan Tirmidi, Kitaabka Qadarka.

2. Inaad ogaatid waxa kugu dhacay oo musiiba ah inuu yahay imtaxaan Ilaahay kaa qaadayo, ajirna kuugu siinayo, waxaad kaloo ogaataa inay tahay musiibadaasi calaamad ku tusinaysa jacaylka Ilaahay ku jecel yahay. Waayo ibtilooyinka waxay u yihiin mu’minka saabbuun ka mayraysa dunuubta. Wuxuu yiri Rasuulku (s.c.w):

[إنّ عظم الجزاء مع عظم البلاء، وإنّ الله إذا أحبّ قوماً ابتلاهم، فمن رضي فله الرّضا، ومن سخط فله السخط.] أخرجه الترمذي

“Waynaanta abaal marintu waxay ku salaysan tahay waynaanta balaayada, Ilaahayna hadii uu jeclaado qolo wuu itaxaanaa (ibtileeyaa), haddaba qofkii raali ku noqda wuxuu leeyahay raalinimo, qofkii ka cadhoodana wuxuu leeyhay cadho.” Waxaa soo saaray xadiiskan Tirmidi.

3. Waa inaad ku samirtaa, ajirna xisaabsataa Ilaahay agtiisa, xoojisaana ku xidhnaanta Ilaahay. Waxaadna mar walba Ilaahay waydiisataa inuu ku siiyo caafimaad.

A) Waa inaad hamigaaga meel dheer ahaada.

A-1) Barnaamijku wuxuu bilaamaya habeenki.

1-weesada qaado intaanad seexan iskuna day weesada inaad u waseesatid si daganaasho oo tadabur leh qalbigaagana soo jeeda, markaad dhamaysid oo akhri ducada la dhaha weesada kadib.

2-Hadaba waad soo weeseesatay waxad rabta inaad seexatid intaanad aad seexan gogoshaada hurguf , waxaadna soo qaadaa (qisdiga baxriga iyo ka bariga ) biyoo milix yarna kudar kuna akhri quraanka karimka ee ku haboon haddii ay tahay aayadaha isha, sixirka iyo jinkaba kuna buufi gogoshaada iyo agagaarka furashka ah.

3-waa inaad ku akhridid biyaha aayadaha kugu haboon amase iintaad garanaysid ku akhridid kuna celcelisid oo cabtid.

4-Waa inaad labada gacmood isku keentid kuna akhridid aayada kursi iyo labada aayadood ee suurada baqrah iyo ikhlaas iyo falaq iyo naas adoo ku afuufayo kadibna is marisid dhammaan jirkoo dhan saddex jeerna kusoo celcelisid .

5-hadaba maxa xiga waa ducoo aad duceesatid adigoo yaqiinsan yaqiin dhab ah oo aaminsan ducada aqbalkeeda uuna duceeysa jinka inuu ilaahay soo hadeeyo ( laga yaaba inuu ilaahay sabobta kusoo hadeeyo ) iskuna ducaysid  oo tidhahdid: "  ilaahow iga burburi isha amase sixirka "). Waa inaad u ducaysatid duco isbihinbihin ku jirto adigo waliba ku celcelinaayo ducada inaa bandhigaysid xaaladaada aad hada ku sugan tihiin inkasto u ilaahay ka qarsoonayn.

6-Ducadii waad dhamaysay seexo iskuna janjeeri dhinaca midig adoo akhrinaaya suurada mulki.
Hadalkaaga ugu dambeeyo ha noqoto adoo akhrinaayo .
" Subxaanallaah 33jeer, Al xamdulilaah 33jeer, Alaahu akbar 34jeer ".

7-habeenka barkii kac salaada kahor 2 ilaa 3 saacadood una istaag salaatul laylka adoo niyadaada soo xaadirinaayo dheh ducada marka hurdada laga tooso, cadayga qaado oo cadayo akhri aayadaha ugu dambeeya suurada Al-Cimraan adigoo yaqiin ku akhrinaayo, kadib weseeso adoo akhrinaaya ducada weesada kadib, qaado dharka ugu wanaagsan una qurxoon adoo is qurxinaayo ( sida indho kuxul iyo cadar ).

8-intaanad waxba afkaa saarin toddoba timirood cun iyo qisdi hindi lagu daray malab iyo saliidda zaytuun iyo saliidda xabad sawdada laguna akhriyo aayado quraan ( sidaa aayadaha isha, xasadka, sixirka ) layskuna mariyo meesha ku xanuunaysa , lana badiyo istiqfaarta iyo akhristo suurada baqarah ilaa ay gaarayso salaada subax.

9-salaada subax tugo kadib akhri ducooyinka subaxdi la akhriyo iyo suurada saafaad iyo jaasima iyo kuwo kale aad rabtid.

10-kadib tukoo salaada duxo 2,4,6 ilaa 8 rakacadood ah.

11-Dhagayso ruqyada sharciga ah.

12-salaada duhur tugo oo hawshaada aduunyo iska qabso.

13-salaada casar tugo oo akhri ducooyinka habeenki la dhaho iyo suurada baqarah iyo suurada saafaad iyo suurada dukhaan.

14-inti aad samaysay subaxdi dib u samee galabti.

15-Maqribka gurigaaga joog albaabada xidh adoo dhahaayo " Bismillaah " ubadaha xaree weelasha biyaha aad dabooshi iyo daaqadaha adoo dhahaayo " Bismillaah " waayo waxaa wakhtiyada foofo shaydaanka albaab xidhana iyo weel daboolan iskama furi karoo shaydaanku kadib salaada makhrib tasbiixso amase takbiirso ama taxmideeso ilaa salaada Ishaaci.

16-Salaada Ishaaci kadib akhriso Suurada baqarah kadib horay u seexo.

Haddii aad su'aal qabtid fadlan halkan hoose noogu reeb adoo mahadsan:


jeudi 13 février 2020

Isha Xasadka Sixirka Iyo Jinka

Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
Qofka niyadjabku hayo hurdo xumo ayuu badannaa leeyahay, waana wax iska caadi ah in waqti hore ay hurdadu ka dhamaato. Qofka niyadjabku dhibaatada ku hayo hurdada inuu helo ayaa mararka qaar ku adkaata, ama hurdo fiican ma seexdo, oo marar badan ayuu toosaa. Mararka qaarkood niyadjabku wuxuu leeyahay hurdo aad u badan, cunto xumo iyo culayska qofka oo hoos u dhaca.

Qofka niyadjabku hayo inta badan wuu dabci kululaadaa, waxaana dhici karta inay ku adkaato inuu dadka la joogo. Sidoo kale waa wax caadi ah inuu qofku nafsadiisa aad u eedeeyo. Qofku wuxuu kaloo isku arkaa xanuunno jirka ah oo kala duwan, sida madax xanuun, murqo xanuun, calool xanuun iyo dhabar xanuun, daal iyo tabardarri, hilmaan badan iyo tinta oo daadato.

Diiqaddu waa qeexid caafimaad oo koobaysa waxyaalo badan oo ku saabsan ciriiriga nafta. Sideeda ugu sahlan diiqaddu waxay kugu keeni kartaa niyad-jab, kaa soo iska kaa hortaagaya noloshaada caadiga ah. Wax kasta waxa ay kugu adkaanaysaa, kugu noqonaysaana mid aan qiimo badnayn. Markeeda ugu xun, diiqaddu nafta khatar bay gelisaa. Waxa laga yaabaa inaad awoodaada nololeed dhimato.



Dad badan oo diiqadaysani waxay la kulmaan kacsanaan (isku buuq). Kacsanaanta badanaa waxaa la socdo xanuun jirka laga dareemo. Kuwa kacsani waxay haystaan maskax aad mashquul u ah, feker soo noq-noqda. Kuwan oo sababi kara in ay kugu adkaato in aad nasato, ama seexato. Mudadda dheer kacsanaantu waxay keentaa daal jirka ah, iyo cafimaad xumo guud. Murugada, diiqadda ama niyad jabka waxay waxyeelaysaa qofka niyadiisa.

Maxaa Keeno Diiqada / Niyadjabka?
In la fahmo waxyaabaha niyadjabka keeno waxay qeyb wayn ka qaadataa in xal la helo, waxayna ka hortagaysaa khaladaad badan oo bulshadu aaminsan tahay. dad badan ayaa aaminsan in niyadjabku uu ku dhaco dad gooni ah, waxaa kaloo la aaminsan yahay in niyadjabku uu ka tarjumayo iimaanka qofka iyo alle ku xirnaantiisa.

Astaamaha niyadjabku waxay yimaadaan markuu khalkhal galo dheecaannada u kala goosha ama dhambaal-sidayaasha maskaxda, afka qalaadne lagu dhaho "Neurotransmitters", daawooyinka loo qaato niyad-jabkuna waxay saxaan dhambaal sidayaashaas khalkhalay, waxyaabaha khalkhal galin karo arrimahaas waxaa loo kala qeybiyaa 5 qaybood:
Hidde-raace: dadka qaar baa u nugul cilladda niyadjabka, waana wax Alle ku abuuray, si sahlan ayay iskugu buuqi karaan, waxaa kaloo la arkaa in diiqadu ay ku badan tahay qoysas gooni ah taasoo ka tarjumayso in xiriir la leedahay hiddaha qofka inkastoo hidde-wadanha cilladaysan aan la garanaynin. Akhriso qoraal ku saabsan dabciyada qofka u nugul niyad-jabka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7953.0
Macdanta Jirka: Alle wuxuu jirka ku abuuray macdan kala duwan oo mid walba howl gooni ah qaabilsan, haddii macdantaas ay jirka ku yaraato, waxaa qofka ku dhaca diiqad ama niyadjab, waana arrin badanaa aan lagu baraarugin oo dhakhaatiirta ka hoos baxdo, macdanta haddii jirka ku yaraato uu qofka sidaan dareemayo waxaa ugu horeeyo Fitamiinnada khaasatan nuucyada D, B3, B6 iyo B12, birta (Iron), Kaalsiyamta, cusbada (sodium), bootaasiyamta, magniisiyamta iyo koloraydka. Hadduu qofka nafaqo darro hayso ama muddo la iil darnaa xanuun jirka ah, ama uu fuuqbaxo waxaa khalkhal galo macdanta jirka, waxaana ugu dambayn ku dhaca xanuunka diiqada ama niyad-jabka.

Hormoonnada: Hormoonku waa dheecaanno kala duwan oo ay soo saaraan qanjirrada jirka ku jira, jirkuna kama maarmo, haddii hormoonnada ay jirku ku bataan ama yaraadaan, qofka niyaddiisu way isbadashaa waxaana la soo dirso xanuunka niyad-jabka, badanaa lama dareemo in jirka ay ku yaraadeen ama ku bateen illaa in la baaro mooyee, xanuunka ugu caansan waa xanuunka howlgabka "Thyroid-ka" oo badanaa lala xiriiriyo diiqadda iyo niyad-jabka, aad ayuuna ugu badan yahay haweenka soomaalida, waana qasab in aad iska baartid hormoonnada qanjirka thyroid-ka haddii aad isku aragtid astaamaha niyad-jabka. Akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0, waxaa kaloo caddayn u ah in hormoonku uu xiriir la leeyahay isbadalka niyadda qofka in haweenka ay badanaa diiqaan ama niyad jab dareemaan xilliga caadada, xilliga foosha ka dib, iyo xilliga naas-nuujinta. waana marxaladaha uu hormoonnadu isbadal sameeyaan.
Xilliyada: waxaa jiro nuuc ka mid ah diiqada oo la dareemo xilliyada qaar, waxaana loo yaqaanaa "Seasonal Affective Disorder", qofku wuxuu dareemaa maalmo qaar in wax ka qaldan yihiin, inuu dareemayo murugo, daal aan caadi ahayn iyo hurdo la'aan, maalmo kadib caadi ayuu ku soo laabtaa, waano xaalad kumeel gaar ah, waxaa qodobkaan soo hoos galayo niyad jabka ka dhasho hurdo yarida, shaqo badnida, safarrada, isbadalka cimillada, ku noolaanshaha dhul kugu cusub IWM.
Xaaladaha: Niyadjabka ka dhasho xaaladaha qaar ee qofka soo maro noloshiisa waa qeyb ka mid ah waxayaabaha keeno niyad-jabka inkastoo ay tahay nuuca loogu aqoon badan yahay, xaaladahaas waxaa ka mid ah dhimasho qof kugu dhaw, furriin, shaqo ka eryid, dhaawac nafsi ah oo caruurnimadii laguu gaystay, inaad la kulantay wax kaa dhixiyay ama saamayn kugu reebay sida shil gaari, dagaal sokeeye ama lagugu sheegay xanuun halis ah.

Sidee loo ogaadaa niyadjabka?
Waa muhiim in qofka xanuunsan lala yeesho waraysi dheer si loo ogaado niyadjabkiisa nuuca uu yahay iyo meesha salka uu ku hayo, waraysigaas ayuu dhakhtarka ku garan karaa in sababtu ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha aan kor ku soo xusay.

Sidee loo daaweeyaa niyadjabka?
Daawayntu waxay ku xiran tahay in la ogaado sababta rasmiga ah ee ka dambayso niyadjabkaaga, haddii ay xanuun jirkaaga ku jiro ay tahay waa in baaritaanno lagugu sameeyaa, haddii ay ka dhalatay nafaqo darro ama khalkhal hormoonnada ah iyadane waa in daawo lagu saxaa, haddii ay ka bilaabatay xaalado halis ah oo ku soo maray ama raad nafsi ah kugu reebay waa in iyadane lagula tacaalaa sheekaysi, tusaalayn iyo haddii laga maarmi waayo daawayn. Qoysku waxay dowr wayn ka ciyaari karaan ka kabsashada diiqada haddii ay aqoon u yeeshaan qofka sida loo hayo, hooyooyinka la iil darran xanuunkaan waa in kaalmo ka helaan xubnaha kale ee qoyska si loola qeybsado culeyska saaran.

Alle ku xirnaanshaha iyo diiqada
Alle SWT ayaa keena cudur walba isagaane qaadi kara, qofka xanuunsan waa inuu Alle ku xirnaado, taasi macnaheeda maahan in xanuunada qaarkood kaliya in duco iyo quraan lagu daaweeyo, kuwa kalane daawo kaliya loo raadsado, laakiin taladu waa inaad daawo iyo Alle talasaarasho isku dartid, Akhriso qoraal aan hadda ka hor kaga hadalnay xiriirka ka dhaxeeyo Alle-bariga iyo Murugada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2845.0

Farriinta Casharkaan:
Mawduucaan waa mid aad u ballaaran, halkaanne laguma soo koobi karo laakiin hadafta casharkeenu waxaan ku soo koobi karaa fariimahaaan soo socda:
Ogow in cudurrada jirka ku dhaca qaarkood inay keenaan diiqad iyo niyadjab ama inay xiriir la leeyihiin sida cudurka gaaska.
Ogow in qof walba oo la iil-daran diiqad ama niyad jab inaysan macnaheeda ahayn inuu ilaahay ka fogaaday ama quraan akhrisku ku yar yahay.

Ogow in jirka iyo maskaxda bini'aadanku ay isla shaqeeyaan, kamana kala maarmaan, haddii aad welweshid waa dabiici in aad dareentid daal iyo murqo xanuun, sida kalane waa sax.
Ogow in aan qofka isla markii loo qorin daawo iyadoo aan la hubsan inuu xanuun jirka uu jiro iyo in kale.
1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?
Wixii su'aalo aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0, https://raaqisomali.blogspot.com/

Isha Xasadka Sixirka Iyo Jinka

Laba Aayadood oo ka hortagay sharka Shayaadiinta Jinka iyo Insigaba

Waynida iyo Fadliga ay leeyihiin labada aayadood ee ugu danbeeya suurada Al-baqarah:


Cidii akhrida habeenkii labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah way ku filantahay.

فروى البخاري (4008) ، ومسلم (807) عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ البَدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( الآيَتَانِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ البَقَرَةِ ، مَنْ قَرَأَهُمَا فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ ) .

Waxa Bukhaari (4008) iyo Muslim (807) soo saareen in Abu Mascuudkii Badariga ahaa Ilaahay haka raali ahaadee laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yidhi: ”Labadan aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah, cidii akhrida habeen way ku filanyihiin”



Waxa Imaamu Nawawi dhahay isagoo sharraxaya xadiiska: ”Waxay kaga filanyihiin salaada habeenkii, waxa kale oo la dhahay: waxay kaga filanyihiin Shaydaanka, sidoo kale waxay kaga filanyihiin aafooyinka (musiibooyinka ama shararka)”



Labadan aayadood waxay kamid yihiin labadii nuur ee Ilaahay siiyey nabi Muxamed iyo Umadiisa:

Waxa Muslim saxiixiisa kusoo saaray (806) in Ibnu Cabbaas dhahay: ”Ayadoo malaku Jibriil fadhiyo Rasuulka agtiisa ayuu dushiisa ka maqlay cod albaab furmaya, markaasuu madixiisa sare u qaaday, wuxuuna dhahay: kaasi waa albaab samada ku yaala oo la furay maanta, lamana furin hadda kahor, waxaana soo dagay malak. Wuxuuna dhahay: kaasi waa malak aan maanta kahor soo dagin, waanu salaamay wuxuuna yidhi: ku bishaarayso laba nuur oo lagu siiyey, kuwaasoo aan la siinin cid adiga kaa horeysay, waa suurada Faatixa iyo aayadaha u danbeeya suurada Al-baqarah..”

Labadan aayadood ee u danbeeya Suurada Al-baqarah waxay kamid ahaayeen sadexdii hadyadood ee Ilaahay siiyey nabigeena (scw) habeenkii la dheelmiyey. Sida xadiiska saxiixu mulimka kusoo arooray [1]tilmaamayo, waxa la siiyey habeenkaas nabiga (scw) sadex hadyadood oo qaaliya:

Shanta salaadood.

Labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah.

In loo danbi dhaafayo umadda nabi Muxamed (scw) cidii aan Ilaahay shirki ula imanin.



Waxa kale oo nabigeena laga wariyey sida uu tilmaamayo xadiiska Imaamu Axmed kusoo saaray musnadkiisa inuu dhahay: ” Akhriya labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah, sababto ah waxa la iigasoo hadyadeeye Carshiga hoostiisa” [2]

[1] Saxiixu Muslim, kitaabka iimaanka, baabka sidratul muntahayaa (173 )

[2] Axmed, munadka shaamiyiinta, xadiiska cuqbah ibnu caamir al-jumami (16873 ), Ibnu Kathiir wuxuu dhahay: Isnaadkiisu wuu fiicanyahay.

Isha Xasadka Sixirka Iyo Jinka

Maxad sameeyni lahayd haddaad aad aragto amase aad garato meesha uu yaalo sixirku .

Halkan waxan kusoo ban dhigayna sixiro kala duwan oo haddaad la haleesho maxa kula guudboon inaad aad samayso ?
Mawduucan hadda kahadlayo waxaa iguu booriyay dad dibadaha jooga iyo mida gudaha oo iga codsaday inan ka hadlo aniguna aan ajri ilaah karajeeyo maadaama ay tahay tufmafu in qof walbo uu iski isku tufo tufmada ama faamigiisa sii aanu uu helno xaafad walba tufe sharciga ku tufo quraan iyo ducooyinka nabigeena S.CW.

Tani waa tusalooyin aan halkan ka tilmaamayo waana sidan soo socota:

1 - haddii uu sixirku yahay mid la gubi karoo waxaad ku akhrisaa aayadaha sixirka burinayaa kadib guub waa buraya , balse haddii uu yahay kasameesan sixirku bukhuur amase waraaqad dhinac kaguban tahay haddiise garani laadahay wuxuu noocu yahay waxaad kudhex riddii weel biyo kujira kadib ku akhri quraanka waxaadna kudhex deesa wakhti yar kadib kasoo saar biyaha ilaa u yar qalalayo kadib gub.

2-haddii uu sixirku yahay mid kasameesan xarko isku duuban waxadku akhrisa tufmada kadib kala fur marada isku duuban hadduuse furmi waayo maqas amase madiil wixii la halmaala u adeegso adoo si degan uu furaayo oo dhexda ka furaayo maradaasi .

3-haddii uu sixirku yahay mid kasameesan waraaqad oo wax kuqoran  yahay waxa kula gudboon inaad biyoo quraanka kutuftay kudhex riddo ilaa uu qoraalka ku qoran warqada uu ku miirmo biyaha aad kasoo saartid kadibna aad qalaliso aadna gubtid.

4-haddii uu sixirku yahay mid kasameesan bir , loox , dhagax waxadku akhrisaa tufmada sixirka kadibna aad gadaal yar daysi maalmo kadibna kasoo saartid aadna kala jabisid haddii uu wixi kala jabi karro .

5-haddii uu sixirku yahay mid la Rusho waxaad qaadata inayro milixda cuntada kuna dar biyaha kuna tuf quraanka kuna rush meesha aad isleedahay sixirku yaalo kuna celceli dariiqada sadex jeer waana buraya idinka ilaahay .

6-haddii uu sixirku yahay mid aasan meel gaara oo cayiman aadna garani laadahay meesha dhabti tahay waxaad qaadata inyaro milixda cuntada ah kuna rid weel biyaa kuna tuf quraan waxaadna ku baahisa meesha oo dhan sixirku ku aasan yahay kuna celceli ilaa sadex jeer waa buraya sixirkaasi meesha uu yaalo.

HADDII aad su'aal qabtid fadlan halkan hoose noogu reeb adoo mahadsan .

mercredi 12 février 2020

Isha xasadka sixirka iyo jinka

MAXA LAKU GAARTA SIXIRKA KAN LARUSHO.

1-qaraac aad udaran gaar ahaan lugaha amba labada ka mid ah.

2-sobixitaan kansar aan caadi ahayn oo lugaha ku dhaca amba mid kamid ah (mar mar qaarkood).

3-kulayl amba qawow aad udaran gaar ahaan mesha qofka xanuuneysa .

4-sobixitaan xanuuno gaar ahaan lugaha meel kamid ah taaso lasocota dhibic yaal akhtar ah mid isku badasha madow.

5-qaar kod si kadis ah waa iska waayaysa qaraaca oo dhan lugtuna nabadqab kunoqotay gaar ahaan marka isku aqriso (tuftid)qur'aanka bacda kadib wakhti kadib qaraacu waa kugu soo laabayaan mar labad.

6-mar qaarkood waxa lasocda cabsi iyo aragti kala duwan.

7-mar qaarkod wuxu dareemaya qaarac aad u daran gaar ahaan lugaha .

8-wuxu dareemaya marku isku aqriyo qur'aanka wax isbuxinaya si cayn hawada ay gashay lugtu inta udhaxeeso jilibka ilaa cagta.

9-wuxu dareemaya kulayl amba qawow inta udhexeesa jilibka iyo waxa kahooseeyo.

10-cidhiidhi u dareemayo iyo jacayl in kali u ahaado guriga dhexdi.

11-mar qaarkod wax qaarmun xafada dhexdeeda laga uriinayo oo meel gaar ahaan mesha u sixirku yaalo qaarna waxa laga arka wax casaan ah oo caadi ahayn aragtida.

Haddii aad su'aal aad qabtid fadlan halkan hoose noogu reeb adoo mahadsan.
Riix : Raaqisomali.blogspot.com 

Isha Xasadka sixirka iyo jinka

CALAAMADAHA LAGU GAARTO JIN IN KUGU JIRO IYO IN KALE.







1-dhicitaan joogta ah dawana lahayn dhakhtarada .
2-naqaska oo kugu dhego adoo waxba kugu dhicin .
3-xanuun dhabarka lafta hoose.
4-jidhkaaga meel kuxanunaysa dawana laadahay.
5-qarac wadnaha siyaado ah.
6-caajis mar kaste.
7-cadhoo siyaado ah .
8-habaasi badan gaar ahaan marka maqashid xuska eebe.
9-daal badan iyo culays gaar ahaan malinta jimcaha.
10-oyitaan bila sabab ah.
11-karahnimo marka xafada joogtid lakin wadku xasisha marka dibada u baxdid.
12-ilow fara badan .
13-dareen fara badan oo dhimasho ah.
14-cabsi fara badan ah.
15-hurdo fara badan.
16-aragti khiyaali ah arkaysid dad gaagaban meel kasto ku arkayo.
17-riyo fara badan oo niku (dumar u arkayo) dumarkuna (nin u arkaysid).
18-xanuun caloosha ah aan dawo lahayn dhakhtaradu.

Haddii aad su'aal rabtid inaad nooso gudbisid noogu reeb halkan hoose Riix: Raaqisomali.blogspot.com

mardi 11 février 2020

Toobinka/cupping

Toobinta iyo Caafimaadka







Toobintu waa sunno caafimaad ah oo aan ka dhaxalnay rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkisia ha ahaato.
Toobinka wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay cilmiga caafimaadka ee nabiga "prophetic medicine".

Inkastoo dagaal xoogan lagula jiray in muddo ah in qeybo badan oo ka mid ah caafimaadka diinteena noo sheegtay in la aqoonsado ama asal caafimaad loo yeelo si loo adeegsado, laakiin hadda sidii hore ma ahan, cilmibaarayaal reer galbeedka u badan ayaa waxay diraaseeyeen qeybo badan oo ka mid ah daaweynta nabigeena kana qoreen buugaag dhowr ah taasoo ku kalliftay in lagu biiriyo kulliyadaha caafimaadka iyo isbitaallada lagu daaweeyo bukaannada kala duwan.

Waxaa ka mid ah arrimahaas ku daaweynta malabka, xabad sowdada, toobinta iyo kuwo kale.

Horay waan uga soo hadalnay malabka, toonta iyo xabad sowdada, laakiin maanta waxaan ka hadli doonaa Toobinta hadduu alle idmo.

Toobintu waxaa loo isticmaalaa ka hortag cudur iyo daaweyn cudur labadaba, caalamkane dhawaantaan ayuu ku baraarugay arrintaan ahmiyaddeeda khaas ahaan 5-tii sano ee ugu dambaysay, haddane jaamcadaha waaweyn qaarkood waxaa laga bixiyaa tababarro shahaado wata oo ku saabsan toobinta, sidoo kale isbitaallada qaar ka mid ah waa lagu sameeyaa.

Waxaa intaa sii dheer in ay suubsameen xarumo cilmibaaris oo isku taxallujiyay cilmibaarista iyo daryeelidda dadka khibradda u leh ku daaweynta toobinka oo laga dhaqan galiyay wadamo dhowr ah.



Waxaa ugu firfircoon kooxahaas jamciyad ka howlgasho dalkaan ingiriiska oo u khaas ah toobinta "British Cupping Society", waxayna qabtaan shirar, iyo tababarro, waxay kaloo taakuleyn siiyaan ama ku caawiyaan daabicista cilmibaarisyada la xiriira ku daaweynta Toobinta.

Haddii aan isku dayo in aan soo koobo waxii lagu soo daabacay qoraallada ay jamciyadda ingiriiska diyaarisay kuwaas oo ku saabsan xanuunada ay baaritaannada ku arkeen in toobinta ay wax ka tarto waa kuwaan:
Cilladaha dhiigga ku dhaca sida dhiigyarida iyo cilladaha xinjiroobis la'aanta dhiiigga
Xubno xanuunka iyo cilladaha laabatooyika sida roomaatiisamka, seedo xanuunka iyo riixa.
Madax xanuunka noocyadiisa kala duwan, kan diiqada, goonjabka iyo midka ka yimaado caabuqa sanqada.
Cilladaha maqaarka ku dhaco sida findoobka, xasaasiyadda maqaarka.
Dhiigkarka khaas ahaan kan daawada la qabsan la'
Welwelka, niyad jabka iyo caajiska.
Xanuunnada xasaasiyadda sida sanboorka iyo neefta/xiiqa.
Cillada xidido bararka.
Xanuunka iyo lurka jirka taasoo ka dhalan karo xanuunno kala duwan.
Xanuunka neerfaha sinta galo ee loo yaqaanno "Sciatica", waxaa kaloo akhrisataa sida isla xanuunkaan loogu daaweeyo isticmaalka subagga Idaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5927.0.html
Hurdo xumida iyo qarawga
Subagga iyo dufanka dhiigga ee Kolestaroolka
Xanuunka Gout-ka ee suulasha galo
Kogsanaanta iyo cadaadiska muqaha iyo seedaha khaas ahaan kuwa qoorta iyo dhabarka

Waxa la yaabka leh waxay tahay xanuunada kor lagu xusay oo toobinta looga hortago ama lagu daaweeyo waxay u badan yihiin xanuunno aanan ilaa iyo hadda loo haynin daawooyin looga bogsado laakiin ay jiraan kaliya daawooyin kaalmaati ah.

Toobinta siyaabo kala duawn ayaa loo adeegsadaa, waxaa jiro toobin qallalan "dry cupping" oo iyadoo qofka la sarin la adeegsado iyo toobin qoyan "wet cupping" oo in qofka la saro muhiim ay tahay.




Dhakhaatiirta adeegsato toobinta waxay ku taliyaan in laga fogaado isticmaalka xaaladahaan soo socdo:
1- Xilliga uurka
2- Xilliga caadada
3- Hadduu qofka kansar faafay uu leeyahay
4- Hadduu qofka jaban yahay.
Waxay kaloo ku talinayaan in aanan toobinta lagu kor samaynin meelaha xididada halbowlayaasha ay maraan, in meel nabar leh iyo meel xidid bararan uu maro in aan lagu dul samaynin.

Toobintu waxay ka faa'ido badan tahay duugista jirka "massaging" oo la sameeyo xilliyadaha qofka uu raadinayo firfircooni iyo nasiinno jirka ah ama xilliga uu qofku uu ka cabanayo daal joogto ah.

Digniin:
Haddii aad rabto in aad is toobtid iska ilaali waxyaabahaan soo socdo:
Infekshanka: maadaama la adeegsanayo qalab lagugu sarayo ama lagugu nuugayo waa muhiim in aysan qalabkaas kaa soo gaarin wax infekshan ah oo ka yimid qof kale sida AIDS-ka, Cagaarshowga iyo wixii dhiigga laga kala qaado.
Khibradda: Ku dadaal qofka ku toobayo in uu yahay qof aqoon u leh toobinta, maxaa yeelay haddii aan si sax ah loo samaynin waxay kuu keeni kartaa dhib, sida in dhaawac maqaarka ah ku gaaro, dhiigbax siyaado ah ama dilaac xididada yaryar ee jirka.
Nadaafadda: Isla hubi qofka samaynayo nadaafaddiisa iyo taxaddarka dhinaca ka hortagga cudurrada si uusan kuu gaarsiin cudur aadan qabin, maxaa yeelay waxyaabaha ugu badan ee bulshada soomaalida ku kala qaadi karto toobinta haddii qalab la isla isticmaalo waxaa ugu horreeya xanuunka cagaarshowga


Haddii aad qabtid wax su'aalo ah, noogu soo dir halkaan: https://www.facebook.com/RaaqSomal/photos/toobbinka-iyo-xanuunada-daweeysowaxa-ay-daweeysa-toobbinku-xanuunada-u-kamid-yah/931655106911434/

Herbal clinic

FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD SALIID MACSARADA












Macsarada waa saliid aad u qaali ah lehne faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.


Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada "Queen of Oils" oo ah macnaheedu "Boqoraddii Saliidaha" waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunnno ahaanteedaba.




Saliid macsarada waxaa wadankeenna laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo loo adeegsan jiray shiididdeeda Geela.



Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo faaidooyinka ugu caansan ee leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo ayaa waxaa ka mid ah:



1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne caraf udgoon.

2- Macsarada waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay "Antioxidant" awood leh.

3- Waxaa macsarada ku jiro ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi'iye ah.

4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqada, welwelka iyo hurdo la'aanta.

5- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Yiridka iyo cudurrada ku dhaco afka.

6- Macsarada waxay daawo u tahay kolestaroolka kacsan.

7- Macsarada waxay joojisaa qolfoofidda xididada, waxayna furtaa xidada xinniban ee wadnaha.

8- Macsarada waxay jilcisaa caloosha laguna daaweeyaa saxaro-adeegga.

9- Macsarada waxay daawo u tahay wareerka iyo aragtida daciifka ah.

10- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo cuncunka jirka

11- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta iyo isku-buuqa maskaxda.

12- Macsarada waxay nafaqo u tahay korriinka tinta wayna dheereysaa.

13- Macsarada waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleeylka qoraxda.

14- Macsarada waxay daawo u tahay xanuunka cadada iyadoo la mariyo caloosha qeybta xudunta ka hooseyso xilliga caadada.

15- Macsarada waxay yaraysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmo-deyska ah iyadoo saxaaxa lagu subko.

16- Waxaa saliidda macsarada ku jira borotiinno aad u badan oo ku filnaan karo qofka haddii cunto ka dhigto.

17- Waxaa macsarada ku jiro dufanta kordhiso xasuusta iyo xifdinta.

18- Waxaa macsarada ku jiro fitamiinka "E" kaasoo firfircooniya wareegga dhiigga.

19- Waxaa kaloo macsarada ku jiro Kalsiyam, Botaasiyam iyo Fosfate oo jirka aanan ka maarmin.

20- Macsarada waxay u horreysaa saliidaha loo isticmaalo daliigidda maadaama maqaarka jirka ay si sahlan uga gudubto.

21- Macsarada waxay daawo u tahay kacsi la'aanta iyo himad yarida, maadaama macsarada laga helo 4 maaddo oo muhiim u ah kacsiga iyo badinta biyo-baxa.

22- Macsarada waa daawada ugu fiican xanuunka loo yaqaanno "Sciatica" oo ah xanuun neerfaha "Sciatic" oo keeno dhabar xanuun iyo lug xanuun aad u daran.

23- Macsarada waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.

24- Macsarada waxay daawo u tahay Baabasiirta, qofkii macsaro joogteeyane baabasiir isma arkaan waa sida la xaqiijiyay.

25- Macsarada maahan saliidaha kiciyo Gaaska ama laabjeexa keeno.

26- Saliidda macsarada waxay raagi kartaa muddo dheer iyadoo isbadalin maadaama ay ku jirto maaddo la dagaallanto bakteeriyada iyo caabuqa.

27- Macsarada waxay daawo u tahay caabuqa sanqada "Sinusitis" oo hal dhibic oo sanka lagu dhibciyo ayaa ku filan.

28- Macsarada oo lagu luqluqo subax kasto waxay ka hortagtaa caabuqa Quumanka iyo Cuno-xanuunka.

29- Macsarada waxay daawo loo bogay u tahay Kala-goysyo xanuunka.

30- Macsaraha waxaa lagu daaweeyaa cudurka "Athletes Foot" oo ah caabuq fangas oo ku dhaca faraha cagta dhexdooda oo u badan Orodada iyo Ciyaartoyda.

31- Markii lala isticmaalo biyo kulul waxay daawo u tahay cabeebka farjiga ee dumarka.

32- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa faruuruca ay keento xafaayadaha loo xiro caruurta.

33- Macsarada oo ilmaha iskuulka aado loo mariyo sanka waxay ka ilaalisaa hargabka, ifilada iyo sanboorka ay ka qaadi karaan caruurta kale.

34- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Goon-jabka iyo madax xanuunka noocyadiisa kala duwan iyadoo madaxa lagu xirto.

35- Macsarada oo la qiiqsado ama la isku huuriyo waxay daawo u tahay neefta iyo caburnaanta marinnada hawada.

36- Macsarada waxaanan la siinin kaliya qofka shubmayo maadaama ay tahay calool jilciye oo waxay sii kordhineysaa shubanka


lundi 10 février 2020

10 Siyaabood Oo Looga Hortagi Karo Sixirka, Isha iyo Xaasidka !






1. Magangalka Ilaahay iyo dhufeyska kadhigashada xuska Ilaahay

2. Cabsida Ilaahay oo macnaheedu yahay raacidda waxa Eebe faray iyo ka dheeraanshaha waxa uu Reebay waayo qofka Ilaahay ka cabsada cabsi dhab ah wuxuu Ilaahay kafaala qaadayaa xifdintiisa iyo dhawridiisa.

3. Waa inu u daayo cadawga xaasidka ah Ilaahay waayo dhagarta xumi waxay xaaqdaa dadkeeda.

4. Talasaarashada Ilaahay. Qofka tala saarta Ilaahay waxaa dhab ah inuu Ilaahay ku filanyahay. Talasaarashaduna waa waxa ugu wayn ee adoonku kaga hortago waxa tabartiisa ka wayn oo ah dhibaatooyinka uunka.

5. In qalbiga laga saaro danaynta xaasidka waa in aan dhag jalaq loo siin xaasidka lagana cabsanin.

6. U jeedsiga xagga Ilaahay iyo badhaxtirka cibaadadiisa iyo xaqqiisa.

7. Towbada oo laga toobadkeeno danbiyada oo dhan kuwaad ogtahay iyo kuwa aadan ogaynba, waayo badanaa ibtiladu waxay uga timaadaa adoonka dunuubtiisa.

8. Sadaqysiga: Sadaqada iyo samafalkuba waxay kaalin wayn ka qaataan celinta isha iyo sixirka.

9. Daminta dabka xaasidka taas oo loo adeegsanayo jidka ixsaan iyo samafalka. Waa in loo ixsaan falaa si aad uga badbaadid xaasadkiisa iyo waxaa la arkaa in uu ku tixgaliyo ama kaa xishooda sida loo yiriba, af wax cunay xishoo.

10. Waa in la xaqiijiyaa oo la dhabeeyaa tawxiidka Ilaahay lagana dheeraadaa shirkiga ama waxa la wadaajinta Ilaahay subxanuhu watacalaa cibaadadiisa taas markii la helo wuxuu helayaa qofka amni iyo xasilooni.


Mahadanid .

MAXAD ISKU GARANAYSA INAD LAGU ILAYSTAY IYO IN AY TAHAY XASAD.

1-dhibicyo madow oo huruud ah sida fino wajigaaga kaso baxaayo.

 2-dhidid fara badan iyo kaaditaan badan mar qaarkood shuban kugu dhoco oo soo noq noqdo.

3-madax xanuun aad udaran.

 4-cuntada oo kugu yaraato gaar ahaan qureeca.

 5-kulayl jidhka kasoo baxaayo walow jawigu caadi yahay.

 6-wadna qaraac qalbiga ah kaso lasocota argagax iyo cabsi dhimasho.

7- garaac laf dhabarka, culays iyo xanuun labada garbood ah.

8-xanuun ka bilaabma isha dhexdeeda iyo dawakhad kaaso kolba caynba isku bad badilayo.

 9-dareemid cidhiidhi laabta iyo rabitaan in u iska ooyo isagoo waxna ku dhicin .

10-cadho iyo amusitaan siyaado ah iyo qosolka ku yaraado amba aragti u arkaayo noloshiisa madow marna rajeenayo in u iska dhimto.

11-dhaq dhaqaaq aad udaran iyo cadho si deg deg aan caadi ahayn marna isku badasho xaaladaha nafsiga ahi sida kamid ah waalitaan iyo khiyaal kunolaado iyo cabsi .....

12-ilow badan iyo waajibkaaga kudan laadahay ado isku taxalujinaayo.

 13-cabsi siyaado ah iyo kabacsi schoolka amba shaqadaada amba xafada iyo waxa la halmaama.

 14-socodko kugu adkaaga amba sarakicid waxti dheer kaqaadato amba wax kasto kugu aadkaada ood kari laadahay.

15-ilow dag dag kugu dhaco marna imtixaanka maraysid iyo akhritaanba.

16-dhidid siyaado ah iyo hurdada oo kugu yaraado .

17-riyo aad darameysid kutusinaysa in ay tahay il sidaa ku aragti riyada qof ku eegaya oo kale amba il caadi ah aragtid riyada dgexdeeda amba iloo fara badan.

 18-xanuun ay garan la yihin dhakhtaradu sabobtooda gaar ahaan xanuunada jidhka kudhaco iyo kuwa qarsoonba iyo kuwa nafsiga ahi .

19-salaada iyo dhagaysiga qur'aanka amba akhritaanka oo kugu yaraado u firsashada iyo xifdiga.

20 xanuunada jidhka oo dhan kudhaco sida kansarka amba jadeeco iyo madhelees iyo macaan laga helo qofka iyo xanuunada kudhaco kaliyaha amba faalid iyo waxa la halmaama.

 Mahadsanid