Sélection du message

10 Siyaabood Oo Looga Hortagi Karo Sixirka, Isha iyo Xaasidka !

Wuxuu ku sheegay Ibnu Qayyim kitaabkiisa Badaaic alfawaaid Toban arrimood Oo Lagaga Hortagi Karo Sixirka Isha iyo Xaasidiinta Ilaahay ...

lundi 10 février 2020

10 Siyaabood Oo Looga Hortagi Karo Sixirka, Isha iyo Xaasidka !






1. Magangalka Ilaahay iyo dhufeyska kadhigashada xuska Ilaahay

2. Cabsida Ilaahay oo macnaheedu yahay raacidda waxa Eebe faray iyo ka dheeraanshaha waxa uu Reebay waayo qofka Ilaahay ka cabsada cabsi dhab ah wuxuu Ilaahay kafaala qaadayaa xifdintiisa iyo dhawridiisa.

3. Waa inu u daayo cadawga xaasidka ah Ilaahay waayo dhagarta xumi waxay xaaqdaa dadkeeda.

4. Talasaarashada Ilaahay. Qofka tala saarta Ilaahay waxaa dhab ah inuu Ilaahay ku filanyahay. Talasaarashaduna waa waxa ugu wayn ee adoonku kaga hortago waxa tabartiisa ka wayn oo ah dhibaatooyinka uunka.

5. In qalbiga laga saaro danaynta xaasidka waa in aan dhag jalaq loo siin xaasidka lagana cabsanin.

6. U jeedsiga xagga Ilaahay iyo badhaxtirka cibaadadiisa iyo xaqqiisa.

7. Towbada oo laga toobadkeeno danbiyada oo dhan kuwaad ogtahay iyo kuwa aadan ogaynba, waayo badanaa ibtiladu waxay uga timaadaa adoonka dunuubtiisa.

8. Sadaqysiga: Sadaqada iyo samafalkuba waxay kaalin wayn ka qaataan celinta isha iyo sixirka.

9. Daminta dabka xaasidka taas oo loo adeegsanayo jidka ixsaan iyo samafalka. Waa in loo ixsaan falaa si aad uga badbaadid xaasadkiisa iyo waxaa la arkaa in uu ku tixgaliyo ama kaa xishooda sida loo yiriba, af wax cunay xishoo.

10. Waa in la xaqiijiyaa oo la dhabeeyaa tawxiidka Ilaahay lagana dheeraadaa shirkiga ama waxa la wadaajinta Ilaahay subxanuhu watacalaa cibaadadiisa taas markii la helo wuxuu helayaa qofka amni iyo xasilooni.


Mahadanid .

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire

asc aadban kaaga mahadcelinaya sida wanagsan aad nalaso xidhiidhtay wixii aad su'aal aad qabtid fadlan halkan hoose noogu reeb ama lambarka 0025377884513 nalaso xidhiidha whatsappka mahadsanid