Sélection du message

10 Siyaabood Oo Looga Hortagi Karo Sixirka, Isha iyo Xaasidka !

Wuxuu ku sheegay Ibnu Qayyim kitaabkiisa Badaaic alfawaaid Toban arrimood Oo Lagaga Hortagi Karo Sixirka Isha iyo Xaasidiinta Ilaahay ...

jeudi 13 février 2020

Isha Xasadka Sixirka Iyo Jinka

Laba Aayadood oo ka hortagay sharka Shayaadiinta Jinka iyo Insigaba

Waynida iyo Fadliga ay leeyihiin labada aayadood ee ugu danbeeya suurada Al-baqarah:


Cidii akhrida habeenkii labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah way ku filantahay.

فروى البخاري (4008) ، ومسلم (807) عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ البَدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( الآيَتَانِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ البَقَرَةِ ، مَنْ قَرَأَهُمَا فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ ) .

Waxa Bukhaari (4008) iyo Muslim (807) soo saareen in Abu Mascuudkii Badariga ahaa Ilaahay haka raali ahaadee laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yidhi: ”Labadan aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah, cidii akhrida habeen way ku filanyihiin”



Waxa Imaamu Nawawi dhahay isagoo sharraxaya xadiiska: ”Waxay kaga filanyihiin salaada habeenkii, waxa kale oo la dhahay: waxay kaga filanyihiin Shaydaanka, sidoo kale waxay kaga filanyihiin aafooyinka (musiibooyinka ama shararka)”



Labadan aayadood waxay kamid yihiin labadii nuur ee Ilaahay siiyey nabi Muxamed iyo Umadiisa:

Waxa Muslim saxiixiisa kusoo saaray (806) in Ibnu Cabbaas dhahay: ”Ayadoo malaku Jibriil fadhiyo Rasuulka agtiisa ayuu dushiisa ka maqlay cod albaab furmaya, markaasuu madixiisa sare u qaaday, wuxuuna dhahay: kaasi waa albaab samada ku yaala oo la furay maanta, lamana furin hadda kahor, waxaana soo dagay malak. Wuxuuna dhahay: kaasi waa malak aan maanta kahor soo dagin, waanu salaamay wuxuuna yidhi: ku bishaarayso laba nuur oo lagu siiyey, kuwaasoo aan la siinin cid adiga kaa horeysay, waa suurada Faatixa iyo aayadaha u danbeeya suurada Al-baqarah..”

Labadan aayadood ee u danbeeya Suurada Al-baqarah waxay kamid ahaayeen sadexdii hadyadood ee Ilaahay siiyey nabigeena (scw) habeenkii la dheelmiyey. Sida xadiiska saxiixu mulimka kusoo arooray [1]tilmaamayo, waxa la siiyey habeenkaas nabiga (scw) sadex hadyadood oo qaaliya:

Shanta salaadood.

Labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah.

In loo danbi dhaafayo umadda nabi Muxamed (scw) cidii aan Ilaahay shirki ula imanin.



Waxa kale oo nabigeena laga wariyey sida uu tilmaamayo xadiiska Imaamu Axmed kusoo saaray musnadkiisa inuu dhahay: ” Akhriya labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah, sababto ah waxa la iigasoo hadyadeeye Carshiga hoostiisa” [2]

[1] Saxiixu Muslim, kitaabka iimaanka, baabka sidratul muntahayaa (173 )

[2] Axmed, munadka shaamiyiinta, xadiiska cuqbah ibnu caamir al-jumami (16873 ), Ibnu Kathiir wuxuu dhahay: Isnaadkiisu wuu fiicanyahay.

Isha Xasadka Sixirka Iyo Jinka

Maxad sameeyni lahayd haddaad aad aragto amase aad garato meesha uu yaalo sixirku .

Halkan waxan kusoo ban dhigayna sixiro kala duwan oo haddaad la haleesho maxa kula guudboon inaad aad samayso ?
Mawduucan hadda kahadlayo waxaa iguu booriyay dad dibadaha jooga iyo mida gudaha oo iga codsaday inan ka hadlo aniguna aan ajri ilaah karajeeyo maadaama ay tahay tufmafu in qof walbo uu iski isku tufo tufmada ama faamigiisa sii aanu uu helno xaafad walba tufe sharciga ku tufo quraan iyo ducooyinka nabigeena S.CW.

Tani waa tusalooyin aan halkan ka tilmaamayo waana sidan soo socota:

1 - haddii uu sixirku yahay mid la gubi karoo waxaad ku akhrisaa aayadaha sixirka burinayaa kadib guub waa buraya , balse haddii uu yahay kasameesan sixirku bukhuur amase waraaqad dhinac kaguban tahay haddiise garani laadahay wuxuu noocu yahay waxaad kudhex riddii weel biyo kujira kadib ku akhri quraanka waxaadna kudhex deesa wakhti yar kadib kasoo saar biyaha ilaa u yar qalalayo kadib gub.

2-haddii uu sixirku yahay mid kasameesan xarko isku duuban waxadku akhrisa tufmada kadib kala fur marada isku duuban hadduuse furmi waayo maqas amase madiil wixii la halmaala u adeegso adoo si degan uu furaayo oo dhexda ka furaayo maradaasi .

3-haddii uu sixirku yahay mid kasameesan waraaqad oo wax kuqoran  yahay waxa kula gudboon inaad biyoo quraanka kutuftay kudhex riddo ilaa uu qoraalka ku qoran warqada uu ku miirmo biyaha aad kasoo saartid kadibna aad qalaliso aadna gubtid.

4-haddii uu sixirku yahay mid kasameesan bir , loox , dhagax waxadku akhrisaa tufmada sixirka kadibna aad gadaal yar daysi maalmo kadibna kasoo saartid aadna kala jabisid haddii uu wixi kala jabi karro .

5-haddii uu sixirku yahay mid la Rusho waxaad qaadata inayro milixda cuntada kuna dar biyaha kuna tuf quraanka kuna rush meesha aad isleedahay sixirku yaalo kuna celceli dariiqada sadex jeer waana buraya idinka ilaahay .

6-haddii uu sixirku yahay mid aasan meel gaara oo cayiman aadna garani laadahay meesha dhabti tahay waxaad qaadata inyaro milixda cuntada ah kuna rid weel biyaa kuna tuf quraan waxaadna ku baahisa meesha oo dhan sixirku ku aasan yahay kuna celceli ilaa sadex jeer waa buraya sixirkaasi meesha uu yaalo.

HADDII aad su'aal qabtid fadlan halkan hoose noogu reeb adoo mahadsan .

mercredi 12 février 2020

Isha xasadka sixirka iyo jinka

MAXA LAKU GAARTA SIXIRKA KAN LARUSHO.

1-qaraac aad udaran gaar ahaan lugaha amba labada ka mid ah.

2-sobixitaan kansar aan caadi ahayn oo lugaha ku dhaca amba mid kamid ah (mar mar qaarkood).

3-kulayl amba qawow aad udaran gaar ahaan mesha qofka xanuuneysa .

4-sobixitaan xanuuno gaar ahaan lugaha meel kamid ah taaso lasocota dhibic yaal akhtar ah mid isku badasha madow.

5-qaar kod si kadis ah waa iska waayaysa qaraaca oo dhan lugtuna nabadqab kunoqotay gaar ahaan marka isku aqriso (tuftid)qur'aanka bacda kadib wakhti kadib qaraacu waa kugu soo laabayaan mar labad.

6-mar qaarkood waxa lasocda cabsi iyo aragti kala duwan.

7-mar qaarkod wuxu dareemaya qaarac aad u daran gaar ahaan lugaha .

8-wuxu dareemaya marku isku aqriyo qur'aanka wax isbuxinaya si cayn hawada ay gashay lugtu inta udhaxeeso jilibka ilaa cagta.

9-wuxu dareemaya kulayl amba qawow inta udhexeesa jilibka iyo waxa kahooseeyo.

10-cidhiidhi u dareemayo iyo jacayl in kali u ahaado guriga dhexdi.

11-mar qaarkod wax qaarmun xafada dhexdeeda laga uriinayo oo meel gaar ahaan mesha u sixirku yaalo qaarna waxa laga arka wax casaan ah oo caadi ahayn aragtida.

Haddii aad su'aal aad qabtid fadlan halkan hoose noogu reeb adoo mahadsan.
Riix : Raaqisomali.blogspot.com 

Isha Xasadka sixirka iyo jinka

CALAAMADAHA LAGU GAARTO JIN IN KUGU JIRO IYO IN KALE.







1-dhicitaan joogta ah dawana lahayn dhakhtarada .
2-naqaska oo kugu dhego adoo waxba kugu dhicin .
3-xanuun dhabarka lafta hoose.
4-jidhkaaga meel kuxanunaysa dawana laadahay.
5-qarac wadnaha siyaado ah.
6-caajis mar kaste.
7-cadhoo siyaado ah .
8-habaasi badan gaar ahaan marka maqashid xuska eebe.
9-daal badan iyo culays gaar ahaan malinta jimcaha.
10-oyitaan bila sabab ah.
11-karahnimo marka xafada joogtid lakin wadku xasisha marka dibada u baxdid.
12-ilow fara badan .
13-dareen fara badan oo dhimasho ah.
14-cabsi fara badan ah.
15-hurdo fara badan.
16-aragti khiyaali ah arkaysid dad gaagaban meel kasto ku arkayo.
17-riyo fara badan oo niku (dumar u arkayo) dumarkuna (nin u arkaysid).
18-xanuun caloosha ah aan dawo lahayn dhakhtaradu.

Haddii aad su'aal rabtid inaad nooso gudbisid noogu reeb halkan hoose Riix: Raaqisomali.blogspot.com

mardi 11 février 2020

Toobinka/cupping

Toobinta iyo Caafimaadka







Toobintu waa sunno caafimaad ah oo aan ka dhaxalnay rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkisia ha ahaato.
Toobinka wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay cilmiga caafimaadka ee nabiga "prophetic medicine".

Inkastoo dagaal xoogan lagula jiray in muddo ah in qeybo badan oo ka mid ah caafimaadka diinteena noo sheegtay in la aqoonsado ama asal caafimaad loo yeelo si loo adeegsado, laakiin hadda sidii hore ma ahan, cilmibaarayaal reer galbeedka u badan ayaa waxay diraaseeyeen qeybo badan oo ka mid ah daaweynta nabigeena kana qoreen buugaag dhowr ah taasoo ku kalliftay in lagu biiriyo kulliyadaha caafimaadka iyo isbitaallada lagu daaweeyo bukaannada kala duwan.

Waxaa ka mid ah arrimahaas ku daaweynta malabka, xabad sowdada, toobinta iyo kuwo kale.

Horay waan uga soo hadalnay malabka, toonta iyo xabad sowdada, laakiin maanta waxaan ka hadli doonaa Toobinta hadduu alle idmo.

Toobintu waxaa loo isticmaalaa ka hortag cudur iyo daaweyn cudur labadaba, caalamkane dhawaantaan ayuu ku baraarugay arrintaan ahmiyaddeeda khaas ahaan 5-tii sano ee ugu dambaysay, haddane jaamcadaha waaweyn qaarkood waxaa laga bixiyaa tababarro shahaado wata oo ku saabsan toobinta, sidoo kale isbitaallada qaar ka mid ah waa lagu sameeyaa.

Waxaa intaa sii dheer in ay suubsameen xarumo cilmibaaris oo isku taxallujiyay cilmibaarista iyo daryeelidda dadka khibradda u leh ku daaweynta toobinka oo laga dhaqan galiyay wadamo dhowr ah.



Waxaa ugu firfircoon kooxahaas jamciyad ka howlgasho dalkaan ingiriiska oo u khaas ah toobinta "British Cupping Society", waxayna qabtaan shirar, iyo tababarro, waxay kaloo taakuleyn siiyaan ama ku caawiyaan daabicista cilmibaarisyada la xiriira ku daaweynta Toobinta.

Haddii aan isku dayo in aan soo koobo waxii lagu soo daabacay qoraallada ay jamciyadda ingiriiska diyaarisay kuwaas oo ku saabsan xanuunada ay baaritaannada ku arkeen in toobinta ay wax ka tarto waa kuwaan:
Cilladaha dhiigga ku dhaca sida dhiigyarida iyo cilladaha xinjiroobis la'aanta dhiiigga
Xubno xanuunka iyo cilladaha laabatooyika sida roomaatiisamka, seedo xanuunka iyo riixa.
Madax xanuunka noocyadiisa kala duwan, kan diiqada, goonjabka iyo midka ka yimaado caabuqa sanqada.
Cilladaha maqaarka ku dhaco sida findoobka, xasaasiyadda maqaarka.
Dhiigkarka khaas ahaan kan daawada la qabsan la'
Welwelka, niyad jabka iyo caajiska.
Xanuunnada xasaasiyadda sida sanboorka iyo neefta/xiiqa.
Cillada xidido bararka.
Xanuunka iyo lurka jirka taasoo ka dhalan karo xanuunno kala duwan.
Xanuunka neerfaha sinta galo ee loo yaqaanno "Sciatica", waxaa kaloo akhrisataa sida isla xanuunkaan loogu daaweeyo isticmaalka subagga Idaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5927.0.html
Hurdo xumida iyo qarawga
Subagga iyo dufanka dhiigga ee Kolestaroolka
Xanuunka Gout-ka ee suulasha galo
Kogsanaanta iyo cadaadiska muqaha iyo seedaha khaas ahaan kuwa qoorta iyo dhabarka

Waxa la yaabka leh waxay tahay xanuunada kor lagu xusay oo toobinta looga hortago ama lagu daaweeyo waxay u badan yihiin xanuunno aanan ilaa iyo hadda loo haynin daawooyin looga bogsado laakiin ay jiraan kaliya daawooyin kaalmaati ah.

Toobinta siyaabo kala duawn ayaa loo adeegsadaa, waxaa jiro toobin qallalan "dry cupping" oo iyadoo qofka la sarin la adeegsado iyo toobin qoyan "wet cupping" oo in qofka la saro muhiim ay tahay.




Dhakhaatiirta adeegsato toobinta waxay ku taliyaan in laga fogaado isticmaalka xaaladahaan soo socdo:
1- Xilliga uurka
2- Xilliga caadada
3- Hadduu qofka kansar faafay uu leeyahay
4- Hadduu qofka jaban yahay.
Waxay kaloo ku talinayaan in aanan toobinta lagu kor samaynin meelaha xididada halbowlayaasha ay maraan, in meel nabar leh iyo meel xidid bararan uu maro in aan lagu dul samaynin.

Toobintu waxay ka faa'ido badan tahay duugista jirka "massaging" oo la sameeyo xilliyadaha qofka uu raadinayo firfircooni iyo nasiinno jirka ah ama xilliga uu qofku uu ka cabanayo daal joogto ah.

Digniin:
Haddii aad rabto in aad is toobtid iska ilaali waxyaabahaan soo socdo:
Infekshanka: maadaama la adeegsanayo qalab lagugu sarayo ama lagugu nuugayo waa muhiim in aysan qalabkaas kaa soo gaarin wax infekshan ah oo ka yimid qof kale sida AIDS-ka, Cagaarshowga iyo wixii dhiigga laga kala qaado.
Khibradda: Ku dadaal qofka ku toobayo in uu yahay qof aqoon u leh toobinta, maxaa yeelay haddii aan si sax ah loo samaynin waxay kuu keeni kartaa dhib, sida in dhaawac maqaarka ah ku gaaro, dhiigbax siyaado ah ama dilaac xididada yaryar ee jirka.
Nadaafadda: Isla hubi qofka samaynayo nadaafaddiisa iyo taxaddarka dhinaca ka hortagga cudurrada si uusan kuu gaarsiin cudur aadan qabin, maxaa yeelay waxyaabaha ugu badan ee bulshada soomaalida ku kala qaadi karto toobinta haddii qalab la isla isticmaalo waxaa ugu horreeya xanuunka cagaarshowga


Haddii aad qabtid wax su'aalo ah, noogu soo dir halkaan: https://www.facebook.com/RaaqSomal/photos/toobbinka-iyo-xanuunada-daweeysowaxa-ay-daweeysa-toobbinku-xanuunada-u-kamid-yah/931655106911434/

Herbal clinic

FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD SALIID MACSARADA












Macsarada waa saliid aad u qaali ah lehne faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.


Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada "Queen of Oils" oo ah macnaheedu "Boqoraddii Saliidaha" waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunnno ahaanteedaba.




Saliid macsarada waxaa wadankeenna laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo loo adeegsan jiray shiididdeeda Geela.



Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo faaidooyinka ugu caansan ee leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo ayaa waxaa ka mid ah:



1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne caraf udgoon.

2- Macsarada waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay "Antioxidant" awood leh.

3- Waxaa macsarada ku jiro ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi'iye ah.

4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqada, welwelka iyo hurdo la'aanta.

5- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Yiridka iyo cudurrada ku dhaco afka.

6- Macsarada waxay daawo u tahay kolestaroolka kacsan.

7- Macsarada waxay joojisaa qolfoofidda xididada, waxayna furtaa xidada xinniban ee wadnaha.

8- Macsarada waxay jilcisaa caloosha laguna daaweeyaa saxaro-adeegga.

9- Macsarada waxay daawo u tahay wareerka iyo aragtida daciifka ah.

10- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo cuncunka jirka

11- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta iyo isku-buuqa maskaxda.

12- Macsarada waxay nafaqo u tahay korriinka tinta wayna dheereysaa.

13- Macsarada waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleeylka qoraxda.

14- Macsarada waxay daawo u tahay xanuunka cadada iyadoo la mariyo caloosha qeybta xudunta ka hooseyso xilliga caadada.

15- Macsarada waxay yaraysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmo-deyska ah iyadoo saxaaxa lagu subko.

16- Waxaa saliidda macsarada ku jira borotiinno aad u badan oo ku filnaan karo qofka haddii cunto ka dhigto.

17- Waxaa macsarada ku jiro dufanta kordhiso xasuusta iyo xifdinta.

18- Waxaa macsarada ku jiro fitamiinka "E" kaasoo firfircooniya wareegga dhiigga.

19- Waxaa kaloo macsarada ku jiro Kalsiyam, Botaasiyam iyo Fosfate oo jirka aanan ka maarmin.

20- Macsarada waxay u horreysaa saliidaha loo isticmaalo daliigidda maadaama maqaarka jirka ay si sahlan uga gudubto.

21- Macsarada waxay daawo u tahay kacsi la'aanta iyo himad yarida, maadaama macsarada laga helo 4 maaddo oo muhiim u ah kacsiga iyo badinta biyo-baxa.

22- Macsarada waa daawada ugu fiican xanuunka loo yaqaanno "Sciatica" oo ah xanuun neerfaha "Sciatic" oo keeno dhabar xanuun iyo lug xanuun aad u daran.

23- Macsarada waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.

24- Macsarada waxay daawo u tahay Baabasiirta, qofkii macsaro joogteeyane baabasiir isma arkaan waa sida la xaqiijiyay.

25- Macsarada maahan saliidaha kiciyo Gaaska ama laabjeexa keeno.

26- Saliidda macsarada waxay raagi kartaa muddo dheer iyadoo isbadalin maadaama ay ku jirto maaddo la dagaallanto bakteeriyada iyo caabuqa.

27- Macsarada waxay daawo u tahay caabuqa sanqada "Sinusitis" oo hal dhibic oo sanka lagu dhibciyo ayaa ku filan.

28- Macsarada oo lagu luqluqo subax kasto waxay ka hortagtaa caabuqa Quumanka iyo Cuno-xanuunka.

29- Macsarada waxay daawo loo bogay u tahay Kala-goysyo xanuunka.

30- Macsaraha waxaa lagu daaweeyaa cudurka "Athletes Foot" oo ah caabuq fangas oo ku dhaca faraha cagta dhexdooda oo u badan Orodada iyo Ciyaartoyda.

31- Markii lala isticmaalo biyo kulul waxay daawo u tahay cabeebka farjiga ee dumarka.

32- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa faruuruca ay keento xafaayadaha loo xiro caruurta.

33- Macsarada oo ilmaha iskuulka aado loo mariyo sanka waxay ka ilaalisaa hargabka, ifilada iyo sanboorka ay ka qaadi karaan caruurta kale.

34- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Goon-jabka iyo madax xanuunka noocyadiisa kala duwan iyadoo madaxa lagu xirto.

35- Macsarada oo la qiiqsado ama la isku huuriyo waxay daawo u tahay neefta iyo caburnaanta marinnada hawada.

36- Macsarada waxaanan la siinin kaliya qofka shubmayo maadaama ay tahay calool jilciye oo waxay sii kordhineysaa shubanka


lundi 10 février 2020

10 Siyaabood Oo Looga Hortagi Karo Sixirka, Isha iyo Xaasidka !






1. Magangalka Ilaahay iyo dhufeyska kadhigashada xuska Ilaahay

2. Cabsida Ilaahay oo macnaheedu yahay raacidda waxa Eebe faray iyo ka dheeraanshaha waxa uu Reebay waayo qofka Ilaahay ka cabsada cabsi dhab ah wuxuu Ilaahay kafaala qaadayaa xifdintiisa iyo dhawridiisa.

3. Waa inu u daayo cadawga xaasidka ah Ilaahay waayo dhagarta xumi waxay xaaqdaa dadkeeda.

4. Talasaarashada Ilaahay. Qofka tala saarta Ilaahay waxaa dhab ah inuu Ilaahay ku filanyahay. Talasaarashaduna waa waxa ugu wayn ee adoonku kaga hortago waxa tabartiisa ka wayn oo ah dhibaatooyinka uunka.

5. In qalbiga laga saaro danaynta xaasidka waa in aan dhag jalaq loo siin xaasidka lagana cabsanin.

6. U jeedsiga xagga Ilaahay iyo badhaxtirka cibaadadiisa iyo xaqqiisa.

7. Towbada oo laga toobadkeeno danbiyada oo dhan kuwaad ogtahay iyo kuwa aadan ogaynba, waayo badanaa ibtiladu waxay uga timaadaa adoonka dunuubtiisa.

8. Sadaqysiga: Sadaqada iyo samafalkuba waxay kaalin wayn ka qaataan celinta isha iyo sixirka.

9. Daminta dabka xaasidka taas oo loo adeegsanayo jidka ixsaan iyo samafalka. Waa in loo ixsaan falaa si aad uga badbaadid xaasadkiisa iyo waxaa la arkaa in uu ku tixgaliyo ama kaa xishooda sida loo yiriba, af wax cunay xishoo.

10. Waa in la xaqiijiyaa oo la dhabeeyaa tawxiidka Ilaahay lagana dheeraadaa shirkiga ama waxa la wadaajinta Ilaahay subxanuhu watacalaa cibaadadiisa taas markii la helo wuxuu helayaa qofka amni iyo xasilooni.


Mahadanid .

MAXAD ISKU GARANAYSA INAD LAGU ILAYSTAY IYO IN AY TAHAY XASAD.

1-dhibicyo madow oo huruud ah sida fino wajigaaga kaso baxaayo.

 2-dhidid fara badan iyo kaaditaan badan mar qaarkood shuban kugu dhoco oo soo noq noqdo.

3-madax xanuun aad udaran.

 4-cuntada oo kugu yaraato gaar ahaan qureeca.

 5-kulayl jidhka kasoo baxaayo walow jawigu caadi yahay.

 6-wadna qaraac qalbiga ah kaso lasocota argagax iyo cabsi dhimasho.

7- garaac laf dhabarka, culays iyo xanuun labada garbood ah.

8-xanuun ka bilaabma isha dhexdeeda iyo dawakhad kaaso kolba caynba isku bad badilayo.

 9-dareemid cidhiidhi laabta iyo rabitaan in u iska ooyo isagoo waxna ku dhicin .

10-cadho iyo amusitaan siyaado ah iyo qosolka ku yaraado amba aragti u arkaayo noloshiisa madow marna rajeenayo in u iska dhimto.

11-dhaq dhaqaaq aad udaran iyo cadho si deg deg aan caadi ahayn marna isku badasho xaaladaha nafsiga ahi sida kamid ah waalitaan iyo khiyaal kunolaado iyo cabsi .....

12-ilow badan iyo waajibkaaga kudan laadahay ado isku taxalujinaayo.

 13-cabsi siyaado ah iyo kabacsi schoolka amba shaqadaada amba xafada iyo waxa la halmaama.

 14-socodko kugu adkaaga amba sarakicid waxti dheer kaqaadato amba wax kasto kugu aadkaada ood kari laadahay.

15-ilow dag dag kugu dhaco marna imtixaanka maraysid iyo akhritaanba.

16-dhidid siyaado ah iyo hurdada oo kugu yaraado .

17-riyo aad darameysid kutusinaysa in ay tahay il sidaa ku aragti riyada qof ku eegaya oo kale amba il caadi ah aragtid riyada dgexdeeda amba iloo fara badan.

 18-xanuun ay garan la yihin dhakhtaradu sabobtooda gaar ahaan xanuunada jidhka kudhaco iyo kuwa qarsoonba iyo kuwa nafsiga ahi .

19-salaada iyo dhagaysiga qur'aanka amba akhritaanka oo kugu yaraado u firsashada iyo xifdiga.

20 xanuunada jidhka oo dhan kudhaco sida kansarka amba jadeeco iyo madhelees iyo macaan laga helo qofka iyo xanuunada kudhaco kaliyaha amba faalid iyo waxa la halmaama.

 Mahadsanid