Garo waxaa jidhkaaga ku dubaaxinaaya
Su'al markaste iguso noqnoqota oo ah waxba idhax socsocda jidhkayga maxay
noqon
Marka hore inaad aamin Santahay inay jiraan isha xasadka sixirka iyo jinkaba
intaasi waxay ku Sahlaysa inaad rumaysid wixii intaas ka dambaysa . Runti dhowr
Qaab ayaa loo fasira waxaa jidh ku dubaaxinayo waxaanu ka hadlayna iyadoo
fahfaahsan waana sidan soo socoto :
1- isha amase xasadka
2- sixirka
3- jinkaba
Haddaanu soo qaadano isha amase xasadka .
1- Marka hore ishu amase xasadku waxay leeyihiin awood waana wixii rasuulku inoo
sheegay in isha amase xasadkuba inay qofka ay galiyaan qabriga waana tan aan
aamisanahay inay ishu amase xasadku ay ka awood badan tahay sixirka taana waana
waxaan tajribo ku Helay cilaajinta dadka fadliga ilaahay , sidaa awgeed waxay
awood uu leedahay ishu amase xasadku inay jidhka ay dubaaxiso oo markaste ay
dhaqdhaqaajiso jidhka qofka isha amase xasadka ay haleeshay.
2- marka labaad sixir ayay noqon karta waayo sixirku dhowr nooc ayuu leeyahay
laakinse waxaan ugala jeeda sixirka midka la guntimo ay saaxiriintu ay guntumaan
siduu ilaahay noogu sheegay quraankiisa suuradda Al-falaq . Sidaa aan soo
sheegay sixirkasta wuxuu soo raaciyaa saaxirku jin uu khidmeeya sixirkaasi sida
awgeed haddi uu yahay mid la cuno ama riyo lagu cunsiiyo amase cuno lagu rido
iyo sharaabkaba waxaay cadeenaysa inuu yahay sixir la guntimay oo wuxuu isku
dayaa jinkaasi uu khidmeenaya sixirkaasi inuu kolba Meel uu gudbinaayo jidhka
dhexdiisa gaar ahaan jidhka inta badan qaybta bidix ugu badnaan gacanta bidix
iyo lugta bidix.
3-marka sadexaad waxaa lagu sheegi karaa jinka kasoo dhowr qaabood ku gala qofka
bani'adamka oo badana haddii uu yahay jinkaasi kaafir badana wuxuu jecel yahay
jinkaasi jidhka qaybta bidix ayuu ka daga Kan muslimkana ( waa haddii uu yahay
jin Muslim daalima) Jidhka qaybta midig .
Fiiro Gaar ah
Qaabka lagu kala saarayo dubaaxintaasi waxay noqon quraanka karimka amase quraan
sarkar ah taasina waxay uu baahan tahay tufahu inuu khibrad uu leeyahay kala
garasho nooca ay dubaaxinta ay tahay.
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire
asc aadban kaaga mahadcelinaya sida wanagsan aad nalaso xidhiidhtay wixii aad su'aal aad qabtid fadlan halkan hoose noogu reeb ama lambarka 0025377884513 nalaso xidhiidha whatsappka mahadsanid